اذا لم تجد ما تبحث عنه يمكنك استخدام كلمات أكثر دقة.
"Buuggan oo wakhtigii la bandhigay laga joogo 43 sano, laguna tarjumay 37 luqadood oo caalami ah oo afka Soomaaligu 38 ku yahay, ujeedadiisuna ay tahay in dadku ay ilaashadaan haybtooda dhanka nolosha, waxa uu dhaxal u yahay geesi walba oo ku adag dhaqankiisa, diintiisa iyo guud ahaanba jiritaankiisa; kaasi oo duulimaad joogto ahi uu ku socdo. Qof kasta oo akhriska dhiganahan ka bogtaa waxa uu dareemi karaa in buuggani uu yahay ka hortag ku aaddan inaanay dhallinteenu ku milmin dhaqamo kale; isla markaana ay tahay inay ku dhegganaadaan dhaqankooda, afkooda, diintooda iyo guud ahaan-ba baadi-sooca ay dunida inteeda kale kaga duwan yihiin. Waa dhito iyo dhaxal muujinaya ku adkaanta waxa aad tahay!
Ambassador Sharmaarke Axmed Muxumed (Geele)
(Gudoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaha JSL)